Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray wasiirkiisa gaashaandhigga inuu ku soo rogo xabbad joojin 36 saacadood ah jiidda hore ee Ukraine, taasoo billaabanaysa Jimcaha. laakiin Kyiv ayaa si degdeg ah u diiday codsigaas.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in xabbad joojintu ay tahay isku day lagu doonayo in lagu joojiyo horumarka milatari ee dalkiisu samaynayo.
Hadalka Kremlin-ka ayaa u muuqday in Madaxweyne Putin uu amar ku siiyay ciidamadiisa in ay dagaalka joojiyaan balse tallaabadaas ayaa la aaminsan yahay in uu qaaday ka dib codsi kaga yimid madaxa Kaniisad ku talla Ruushka.
Wadaadka kaniisada ayaa ku baaqay, xabbad joojin loogu talagalay kirismas-ka si loogu oggolaado dadka cibaadeysanaya inay ka qaybgalaan adeegyada kaniisadaha ee kirismaska.
Kaniisadda Ortodokska ee Ruushka waa tan ugu weyn kaniisadaha Ortodokska Bari, laakiin waxaa jira kuwo kale.
Kaniisadda ayaa u dabaaldagta maalinta Kirismaska 7 Janaayo. Qaar ka mid ah dadka Ukraine waxay u dabaaldegaan Christmas-ka 25 December, qaar kalena 7 Janaayo.
Amarka xabad joojinta ee Mr Putin ayaa ugu baaqay Ukraine inay ka jawaabto si “tirada badan ee ka tirsan madhabta Ortodokska ay ku sugan meelaha colaadaha ka socdaan” ay u dabaaldegaan Habeenka Jimcaha iyo Maalinta Sabtida ee Kirismaska.
War qoraal ah oo uu soo dhigay Twitter-ka wax yar ka dib baaqa Putin, Mr Podolyak ayaa sheegay in aysan jiri karin "xabbad joojin ku meel gaar ah" ilaa ay ciidamada Ruushka ka baxaan dhammaan goobihii ay qabsadeen.
“Ruushku waxa uu isku deyayayaa in uu waqti u helo si uu dib isugu abaabulo oo uu u sameysto dhufaysyo, ayuu raaciyay.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mr Putin uu si fudud "isku dayayo in uu helo xoogaa ogsijiin ah".
“Waxa uu Ruushka oran doonaa “Ukraine ma aysan ixtiraamin kaniisadda iyo dadka cibaadeysanaya xilligia ciidda”, laakiin waa in aan la iloobin in Ruushka uu ahaa kii dagaalkan bilaabay isagoo duullaan aan gabbasho lahayn ku qaaday deriskiisa.
Tallaabadan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa dhowr maalmood ka dib markii tiro badan oo ka tirsan ciidamada Ruushka lagu dilay weerar ay Ukraine ka geysatay xero ku meel gaar ah oo ku taal magaalada Makiivka ee la haysto ee Ukraine.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku sheegtay dhimashada 89 qof, taasoo ka dhigaysa khasaarihii ugu badnaa ee hal mar ah oo ay Moscow qirato tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Ehelada dadka dhintay iyo sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin wixii ka dhacay Makiivka, waxa ayna eeda dusha uga tuureen saraakiisha ciidamada oo aan tayo laheyn. Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii sanadka cusub -oo ah fasaxa ugu muhiimsan ee jadwalka Ruushka.
Tatyana Stanovaya oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in Kremlin-ka uu rabo in uusan dhicin khasaare kale oo nafeed oo kale oo dhaca xilli fasax kale oo muhiim ah uu Ruush galayo.
Goor sii horreysay, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday Mr Putin inuu ku dhawaaqo xabbad-joojin "hal dhinac" ah oo laga sameeyo Ukraine si labada dhinac ay u wadahadlaan.
© 2023 BBC. BBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda. Akhri xogta ku saabsan sida aan u abaarno bogagga dibadda.